Maleeshiyaat ka tirsan dowlada Ridada federaalka waxey Barqo nimadii maanta si bareer ah ruux ganacsade ah ugu dileen gudaha suuqa Bakaaraha oo ah suuqa Ganacsiga ee ugu weyn dalka Soomaaliya.
Maleeshiyaatka dowlada Federaalka ee sida gardarada ah u dilay ninka ganacsadaha ayaa waxey doonayeen iney si xoog ah kaga qaataan Telefoon nooca gacanta ah oo ganacsadaha uu watay balse ruuxa ganacsadaha ah oo arintaasi ka dhaga adeegay ayeey ugu dambeyntii maleeshiyaatka Murtadiinta rasaas hubiyeen.
Ganacsadaha ayaa isla goobta ku geeriyooday’waxaa arintaan si aad ah uga carooday ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo xilli walba dhac iyo dil kala kulma maleeshiyaatka dowlada federaalka.
Habeenkii xalay ayeey aheed markii maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka Ruux Shacab oo Rag ah si bareer ah ugu dileen degmada Beledweyne ee gobalka Hiiraan.
Calamada.com