Xabsiyada dowlada Ridada federaalka ee magaalada Muqdisho waxaa ku xiran Kumanaan ruux oo shacab ah kuwaasi oo isugu jira Waalidiin Caruur iyo Haween muddo ku xiran xabsiyadaasi.
Qaar ka mid ah hooyooyinka Soomaaliyeed ee caruurtooda ay ku xirxiranyihiin xabsiyada Godka Jilicow iyo Xabsiga dhexe ee Xamar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xaalad adag oo dhanka caafimaadka ah ay soo wajahday caruurtooda u xiran dowlada Federaalka.
Hooyooyinkaan oo ay ka muuqato murugo xoogan ayaa intaa ku daray in xaaladii ugu adkeed aysoo wajahday caruurtooda maxaabiista u dowlada Ridada’waxeyna intaasi ku dareen in dhowr jeer lacago fara badan ay ka qaateen saraakiil ciidan oo u sheegay iney usoo deynayaan caruurta.
Maleeshiyaatka dowlada federaalka iyo kuwa Kufaarta Shisheeyaha ah ayaa si joogta ah u tacdiibiya kumanaan shacab ah oo ku xiran xabsiyada magaalada Muqdisho.
Halkan Ka Dhageyso Hooyooyinka.
Calamada.com