Markii ugu horraysay dowladda Kufaarta Xabashida Itoobiya ayaa qirtay in khasaara lixaad leh uu kasoo gaaray dagaalkii cuslaa ee sanaddii lasoo dhaafay ka dhacay gobolka Hiiraan bartamaha dalka Soomaaliya.
Munaasabad baroordiiq iyo billad guddoonsiin isugu jirtay oo ka dhacday magaalada Jigjiga ee dhulka Somaligalbeed ayuu madaxweynaha Itoobiya uga dhawaaqay in dagaalkii ka dhacay deegaanka Halgan lagu dilay ciidamo farabadan oo uu ku tilmaamay ‘Geesiyaal Qaran’.
“Qaranka Itoobiya ma hilmaami doono halyeeyadii looga dilay dagaalkii cuslaa ee Islaamiyiinta Al Shabaab lagula galay magaalada Halgan ee bartamaha Soomaaliya†Ayuu yiri Mulatu Teshome madaxweynaha aan fulinta awoodeed laheyn ee Itoobiya.
General Samora Yenus oo ah taliyaha ciidanka difaaca Itoobiya oo isna munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in dagaalka ay uga jiraan Soomaaliya uu yahay mid adag.
Itoobiya waxay xaqiijisay in dagaalkii Halgan looga dilay taliyihii Guutada 4-aad ee Melleteriga Itoobiya waana sarkaalkii ugu darajada sarreeyay oo looga dilo dalka Soomaaliya.