Wararka naga soo gaaraya deeganada dhaca galbeedka magaalada Kismaayo ayaa kuwaramaya in weerar dhabogal ah loo dhigay kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamo isku dhaf gaalo kenyaan iyo mareykan ahaa oo ku socdaalayay deegaano dhaca galbeedka magalada Kismaayo.
Gaari nooca somalida ay utaqaano Cabdi Bilaha oo ay wateen ciidanka gaalada isku dhafka ah ayaa waxyeelo lagu gaarsiiyay.
Sarkaal katirsan ciidanka mujaahidiinta ayaa idaacada Andalus usheegay in gaariga waxyeelada la gaarsiiyay uu ku dhacay qoriga RBGa.
Labo diyaaradood oo nooca helicopterska ah oo kolonyada markii horeba kor ka waardiyeynayay ayaa soo dagay halkii kamiinka loogu dhigay iyagoo daabulay askartii ku waxyeeloowday gaarigi jugta culus la gaarsiiyay.
Qorax dhicii galabta ayay iyagoo baqo carar ah gaareen dhismaha garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo oo xarun ciidan ay kuleeyihiin askarta Mareykanka.
Lasoco Waxii Kusoo Kordha.
Xigasho Telegramka Radioandalus.
Calamada.com