Wararka ka imaanaya degmada Jowhar ee gobalka Shabeelada dhexe ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay gudaha degmadaasi lagu weeraray saraakiil ka tirsan dowlada Ridada federaalka.
Weerarka oo loo adeegsaday Bamka nooca gacanta laga tuura ayaa lagu weeraray dhismo gudaha magaaladaasi ay kaga sugnaayeen saraakiil ka tirsan Milatariga dowlada federaalka.
Warar hoose ayaa sheegaya in weerarka sigaar ah loola beegsaday sarkaal lagu magacaabo Ayaanlle oo ka mid ah saraakiisha Militariga kaasi oo la xaqiijiyay inuu qaraxa ka badbaaday.
Degmada Jowhar ayaa ka mid ah goobaha Kufaarta Afrikaanta iyo maleeshiyaatka dowlada federaalka kaga suganyihiin gobalka Shabeelada dhexe.
Calamada.com