Wararka ka imaanaya dalka Afghanistan ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaaday dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan iyo maleeshiyaatka maamulka daba dhilifka fadhigiisu yahay magaalada Kaabul uu ka dhacay qeybo ka mid ah gobalka Qandahaar.
Dagaalka waxa uu sigaar ah kaga dhacay degmo lagu magacaabo Shorabak oo ka tirsan gobalka Qanadahaar kaasi oo socday muddo saacado xiriir ah.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa xaqiijinaya in ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta degmada waxeyna Raayada Towxiidka ka taageen saldhiga iyo dhismaha xarunta maamulka ee degmadaasi.
Afhayeenka Imaarada Islaamiga Sheekh Qaari Muxamed Yuusuf oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga si buuxda gacanta ugu hayaan degmada’waxa uu afhayeenka intaasi ku daray in degmadaan ay noqoneysa middii afaraad oo ka tirsan gobalka Qandahaar oo ay la wareegeen ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan.
Halkan Ka Aqriso Qoraalka Afhayeenka Imaarada Islaamiga Afghanistan.
Calamada.com