Waxaa sii kordhaya khasaaraha ciidamada dowlada Nasaarada Kenya kasoo gaartay qarax culus oo saacadihii lasoo dhaafay kolanyo Kenyaati ah lagula beegsaday deegaanka Haawinaa ee duleedka degmada Dhoobley ee gobalka Jubbada Hoose.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in qaraxaasi lagu dilay 14 askari Kenyaati ah’waxaa sidoo kale qaraxaasi lagu gubay gaari Taw ah oo Nasaarada Kenya burburkiisa kaga tageen goobta qaraxa.
Kolanyada Kenyaatiga ah ee qaraxan lala beegsaday ayaa kasoo baxay deegaanka Taabto waxeyna doonayeen iney sii maraan degmada Dhoobley kuwaasi oo qorshahooda ahaa iney sahay ciidan kasoo qaataan gudaha dalka Kenya.
Calamada.com