Habeenkii xalay waxaa gudaha magaalada Muqdisho lagu dilay mid ka mid ah odayaasha soo xulay xildhibaanada golaha dhawaaqiida dowlada Federaalka.
Odayga la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cusmaan Kheyra waxa uu dilkiisa si gaar ah kaga dhacay xaafada Xamar Bile ee degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.
Rag ku hubeysan Biskoolada ayaa odayga ka toogtay qeybaha sare ee jirka taasi oo sababtay in isla goobta uu ku geeriyooda.
Odaygan ayaa ka mid ahaa odayaashii soo doortay xildhibaanadii lagu soo dhisay degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.
Dhowr jeer waxaa gudaha magaalada Muqdisho lagu dilay odayaal fara badan oo ka mid ah odayaasha soo xulay xildhibaanada baarlamaanka dowlada Ridada federaalka.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somalia.