Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa sheegaya in maleeshiyaatka maamulka Ashahaado la dirirka Puntland xabsiga u tixaabeen nabadoon Cabdi Qaadir Axmed Xarago oo ah afhayeenka Odayaasha Dhaqanka gobalka Bari.
Nabadoonka ayaa xarigiisa sabab looga dhigay hadal uu saacada ka hor ka sheegay warbaahinta kaasi oo ah inuu maamulka Puntland ku eedeeyay iney dil toogasho ah ku xukumeen dhalinyaro wax dabmi ah laheen.
Odaygan ayaa intaasi ku daray in dhalinyaradaan tacdiibin xoogan loogu geystay gudaha Xabsiga Boosaaso taasi oo sabab u noqotay iney sheegtaan dambi aysan galin.
Maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Puntland ayaa odaygan xabsiga Boosaaso dhigay’iyadoona ay suura gal tahay iney jir dillo iyo tacdiibin xoogan u geystaan maadama uu daaha ka rogay dulmiga maamulka Puntland ku hayo maxaabiista aan dambiga laheen ee ku xiran xabsiyada Puntland.
Halkan Ka Dhageyso Arinta Loo Xiray Nabadoon Xarago.
Dhanka kale waxaa soo baxayo khilaaf xoogan oo ka dhex qarxay mas’uuliyiinta maamulka gaala raaca Puntland’waxaa saacada ka hor is casilay Deeq Suleymaan oo ahaa agaasimihii madaxtooyada maamulka Puntland.
Calamada.com