Rag hubeysan ayaa ku dilay gudaha degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho sarkaal ka tirsanaay dowlada Ridada federaalka gaar ahaan xafiiska gudoomiyaha baarlamaanka dowlada federaalka.
Sarkaalkan la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Qaadir Qaasim Mursal oo ka tirsanaay shaqaalaha xafiiska gudoomiyaha Baarlamaanka waxeyna ninkan rag biskoolada ku hubeysan dhowr xabadood kaga dhufteen qeybaha sare ee jirka taasi oo sababtay in sarkaalkan isla goobta uu ku geeriyooda.
Ninkan ayaa mar xildhibaan kasoo noqday dowladii kumeel gaarka aheed ee Cabdi Qaasim Salaad Xasan’waxa uu dilka ninkan kusoo aadayaa xilli habeenkii xalay mid ka mid ah odayaashii soo dhisay xildhibaanada cusub ee dowlada Ridada federaalka lagu dilay degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in sarkaalkan ay dileen ciidamada gaarka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala gudaha magaalada Muqdisho.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somalia.