Madaxweynihii maamulka gaala raaca isku magacaabay Cabdi Kariim Guuleed ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay maamulkaasi.
Guuleed oo soo saaray warqad qoraal ah ayuu is casilaadiisa sabab uga dhigay arimo caafimaad,balse iscasilaadiisa ayaa imaaneysa xilli dhowr todobaad ka hor xildhibaanada maamulka Galmudug ay ku dhawaaqeen iney xilka madaxweynaha ka qaadeen Cabdi Kariim Guuleed.
Cabdi Kariim Guuleed hadii uu isku casilay arimo caafimaad muxuu u aqbali waayay xilka qaadistii kal hore ay ku sameeyeen xildhibaanada maamulka dowlada Itoobiya dhisatay ee Galmudug?.
Sababta ugu culus ee Guuleed isku casilay ayaa ah inuu waayay garabweyn oo markii horaba ku hayay kursiga madaxweynaha Galmudug kaasi oo ah Xasan Garguurte oo dhawaan looga adkaaday daroosha madaxweyne oo ka dhacday gudaha magaalada Muqdisho.
Halkan Hoose Ka Akhriso Qoraalka Uu Geed Isku Casilay.
Calamada.com
Daba dhilif mid kii carara iyo kii carada jooga
Camiil iyo niaas weeye caada qaataahe
Cadaw weeye gaal xunu carbiyey amase caasiine
Cirka iyo dhulkaan yeelin oo way ciriir samiye
Maryo calas camuudaa inkiri caaqi gaal raace
Cawaan weeye aan ceesahayn caabud waayeele
Curfigu ku waa diid yayoo waa cid gooniyahe
Culumaa usuu iyo haday calaso taageerto
Ama ciidan gaal soo dumiyo cududu taageerto
Ama cadaw nasaariyo kufrigu cudud ku taageero
Casho qura inay nabad helaan waw caqli la’aane