Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay wareysi gaar ah oo ay la yeelatay Waaliga Wilaayada Banaadir Sheekh Cali Muxamed Xuseen Cali Jabaal kaasi oo waaliga kaga hadlay dabkii dhawaan ka kacay suuqa Bakaaraha oo ah suuqa Ganacsi ee ugu weyn dalka Soomaaliya.
Sheekh Cali Jabal waxa uu Allaah SW ka baryay inuu badal Kheyr qabo siiyo ganacsatadii ku hanti beeshay dabkaasi’dadka Muslimiinta ayuu ugu baaqay iney gurmad u sameeyaan ganacsatada ku hantida beeshay dabka Suuqa Bakaaraha.
Waaliga ayaa ku tilmaamay in suuqa Bakaaraha uu ka mid ahaa goobaha sida gaarka ah looga gurmado dadka Masaakiinta ah ee ay saameysay abaarta guud ee ka jirta dalka Soomaaiya.
Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Waaliga Banaadir.
Calamada.com