Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in habeenkii xalay xaafadda Mursal lagu dilay haweenay taasi oo ay toogteen rag biskoolada ku hubeysan.
Haweeneyda la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Xamaro Cabdi waxeyna ragga hubeysan dhowr xabadood kaga dhufteen qeybaha sare ee jirka taasi oo sababtay in haweeneydan isla goobta ku geeriyoota.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in haweeneydan la dilay la shaqeyn jirtay maamulka gaala raaca Shariif Sakiin’waxey sidoo kale haweeneydan qeyb ka aheed ergadii soo dhistay Xildhibaanada baarlamaanka dowlada Ridada federaalka gaar ahaan qeybta lagu soo dhigay degmada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.
Maalintii shalay ayeey aheed markii qarax loogu xiray gaarigiisa lagu dilay sarkaal ka tirsanaay Nabadsugida dowlada federaalka kaasi oo lagu qarxiyay degmada Wadajir ee gobalka Banaadir.
Calamada.com