Dhaarinta madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” todobaadkii la soo dhaafay waxay wadooyinka magaalada Muqdisho kala kulantay mowjado rajo ah oo muujinayey in uu dhashay waabari cusub oo xasilooni ku soo dabaali kara wadanka.
Si Aqlabiyad leh ayuu ugu guuleystay xukunka laakiin xaqiiqdu waxay tahay in doorashada iyo xafladii caleema saarka lagu qabtay meel amaankeeda si aad ah loo adkeeyey oo ka tirsan garoonka diyaaradaha oo ay ilaaliyaan ciidamada AMISOM.
Garoonka ay xafladan ka dhacday ayaa ku yaalla magaallo dhowrjeer si isdaba joog ah u martigelisay qaraxyo iyo weeraro kaga yimid kooxda Jihaadiga ah ee Al-Shabaab, waxayna taasi ku tuseysaa halka uu gaarsiisan yahay culeyska howsha uu wajahayo Farmaajo.
Warbixintii ugu dambeysay ee hay’adda The International Crisis Group ICG waxaa lagu yiri: Farmaajo wuxuu ka faa’ideystay in uu iska dhigo qof loo arko hogaamiye saxan oo dhisaya ciidamo Qaran oo xoogleh, oo soo dadajinaya bixitaanka ciidamada AMISOM, xasilinaya wadanka, xadidaya faragelinta wadamada deriska ah, sidoo kalena ilaalin kara sharafta iyo madax-banaanida Soomaaliya.
Balse Amaanka Soomaaliya waxaa laf dhabar u ah 22-ka kun ee ka socda Isbaheysiga AMISOM. Waxay Soomaaliya joogaan muddo toban sano ah, Iyagoo la dagaalamaya Al-Shabaab, sidoo kalena caawinayey dowlada Soomaaliya.
AMISOM waxaa hadda lagu wadaa in ay bilowdo la bixitaanka ciidankooda marka la gaaro bisha October ee sanadka soo socda, waxaana la filayaa in ay si dhameystiran wadanka kaga baxaan marka la gaaro December 2020-ka xilligaas oo la filayo in amaanka dalka ay ku wareejiyaan ciidamada Soomaaliya oo cadadkooda la gaarsiin doono 20,000 oo askari.
“AMISOM kaligeed ma jabin karto Al-Shabaab†ayaa lagu yiri warbixin sanadkii la soo dhaafay uu baahiyey machadka daraasaadka siyaasadda ee Heritage. “Tani waxay dhici kartaa haddii AMISOM ay garab iyo wada shaqeyn ka hesho ciidamo Soomaali oo awoodleh†ayaa lagu yiri warbixinta.
Laakiin “ciidamada qaranka Soomaaliya†ayaa ah ciidan uu hareeyey dhibaatooyin badan oo uu ka mid yahay musuq-maasuqa, tabardarada iyo in aanan laga jecleen meelaha ka baxsan caasimada.
Francisco Madeira oo ah wakiilka gaarka ah ee midowga Africa u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa Wakaaladda wararka ee IRIN u sheegay in ay ka warhayaan taxadiyaatkaas hortaagan dhismaha ciidanka Soomaaliya. “Dhisida awoodda ciidamada Soomaaliya waa mid udub dhexaad u ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, waxaana arintaas ku bixineynaa awoodeena tan ugu wanaagsan†ayuu yiri.
“Bixitaan ciidamada AMISOM ay baxaan sanadka 2020-ka wuxuu noqon doonaa mid waqtigiisa ka soo hormaray†ayuu yiri: Christian Ani Ndubuisi oo ah baaxith ka tirsan machadka daraasaadka amniga.
Ciidamada ugu xoogan ee AMISOM waxay ka soo jeedaan wadamada Uganda, Ethiopia, Kenya iyo Burundi. Mushaarka iyo dhaqaalaha ciidankan waxaa bixiya midowga Yurub, taageerada Logistic-da ahna waxaa bixiya Qaramada Midoobey. laakiin ilaa hadda ma helin diyaarado Helicopters ah oo ay aad ugu baahan yihiin, dhowrjeerna dalbadeen.
Waxaa sidoo kale hadda jira dhibaato ba’an oo ka dhex taagan sufuufta dowladaha qeybta ka ah AMISOM kuwaas oo ku goodinayey in ay ciidamadooda la bixi doonaan Soomaaliya tan iyo markii midowga Yurub uu jartay labaatan boqolkiiba (20%) mushaarkii lagu bixin jiray ciidamada AMISOM bishii January ee sanadkii 2016-ka.
Tani waxay hoos u riday mushaarkii Askariga AMISOM oo markii hore ahaa $1,028 wuxuuna hadda noqday $822.
Marka midowga Africa uu ku calaacalayo in askartooda ay ku dhiigbaxayaan Soomaaliya, Reergalbeedkuna uu bixinayo lacag oo kaliya, waxaa midowga Yurub ay iyagana isku difaacayaan: “Waxaa jira howlgalo kale oo nabad ilaalin ah oo ka jira Qaarada oo u baahan taageero sida Afrikada dhexe, Mali iyo Chad.
“AMISOM waxay sanadkan u dabaal degi doontaa sanadkeedii tobnaad. Midowga Yurub oo ah Maalgeliyaha ugu weyn ee duulaanka Soomaaliya-na ma hayo wax natiijo ah, mana arko iftiinka Kanaalkii la qodayey tobankii sano ee la soo dhaafay†sidaas waxaa yiri Thierry Vircoulon oo ah Agaasimaha Bartamaha Africa ee hay’adda ICG. “Midowga Yurub hadda diyaar uma ahan in uu maalgeliyo howlgal kale oo nabad ilaalin oo aan dhamaad lahayn sida UN-ka oo kale†ayuu hadalkiisa sii raaciyey.
Laakiin midowga Africa weli wuxuu ku baaqayaa ciidamo dheeraad ah si loo wiiqo Al-Shabaab ka hor inta aanan la gaarin sanadka 2018-ka xilligaas oo ay sheegeen in ay bilaabi doonaan qorshaha bixitaanka. 16-kii bishii January waxay golaha amaanka ee QM ka dalbadeen in la ansixiyo 4,500 oo askari oo dheeraad ah.
“Waan soo afjarnay qorshaha lagu soo celinayo meelihii ugu muhiimsanaa ee ay Al-Shabaab ka joogtay Soomaaliya gaar ahaan Jubada hoose sidaas darteed si howshan loo qabto waxaan u baahanahay ciidamo dheeraad ah oo nala qaban doona howshan muddo lix bilood oo kaliya, ka dibna aan ciidanka ku soo celino cadadkii uu ahaa†ayuu yiri Madeira oo ah wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya.
Isha Warbixinta: Wakaaladda IRIN.