Wararka ka imaanaya gobalka Shabeelada dhexe ee Konfurta dalka Soomaaliya waxey sheegayaan in Barqo nimadii maanta weerar dhabba gal ah loo dhigay kolanyo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka.
Kolanyada kamiinka loo dhigay ayaa kasoo baxay deegaanka Biyo cadde oo hoostaga degmada Mahadaay waxeyna kusii jeedeen degmada Jowhar ee xaruna gobalkaasi.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in kamiinkaasi lagu gubay gaari Qooqan ah oo ciidamada Shabaabul Mujaahidiin la heleen garneelada garbaha laga tuura’waxaa sidoo kale weerarkaasi dhabba galka ah dhimasho iyo dhaawac ku noqday tiro askar ah oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Federaalka.
Dadka deegaanka ayaa dhankooda xaqiijiyay iney arkeen meydka hal askari oo maleeshiyaatka dowlada ah kaasi oo ciidamada Shabaabul Mujaahdiin qaateen qorigii uu watay’waxey sidoo kale dadka deegaanka intaasi ku dareen iney arkeen burburka gaariga gubtay iyo dhaawac Todobo askari oo maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka ah.
Calamada.com