Wararka laga helayo gobalka Baay waxey sheegayaan in qarax miino lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya oo ku socdaalayay wadada isku xirta degmooyinka Baydhabo iyo Buurhakabo.
Qaraxa waxa uu sigaar ah kaga dhacay deegaanka Mooda-moode oo ka mid ah deegaada dhaca wadada Laamiga ah ee isku xirta degmooyinka Baydhabo iyo Buurhakabo oo ka wada tirsan gobalka Baay.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in qaraxaasi lagu dilay Saddex sarkaal Itoobiyaan oo Miino baarayaal ah’waxaa sidoo kale qaraxaasi lagu dhaawacay Labo sarkaal oo Itoobiyaan ah.
Gobalka Baay waxa uu ka mid yahay gobalada duulaanka ay ku joogaan ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya oo qeyb ka ah shisheeyaha kusoo duulay Konfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya.
Calamada.com