Inta badan waxaa maanta xiran waddooyinka ugu muhiimsan magaalada Muqdisho taasi oo saameyn xoogan ku yeelatay shacabka masaakiinta ah ee ku dhaqan xaafadaha magaalada Muqdisho.
Waddooyinka Maka Al-mukaramah’Wadnaha iyo waddooyinkale oo aad u muhuumsan ayaa ka mid ah waddooyinka xiran kuwaasi oo ay xireen ciidamada Kufaarta Afrikaanta iyo maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka.
Sidoo kale waxaa inta badan hakad ku jira adeegyada kale ee bulshada sida Waxbarashada’Caafimaadka iyo ganacsiga waddooyinka xiran ee magaaladan Muqdisho.
Waddooyinka iyo adeegyada kale ee bulshada ee Muqdisho ayaa loo xiray socdaal uu magaalada Muqdisho ku yimid Antonio Guterres oo ah xog’hayaha guud ee gaalada Caalamka kaasi oo saaka kasoo dagay garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Dowlada federaalka ayaa shaqo maalmeed ka dhigatay iney dadka shacabka caburiyaan kana hakiyaan adeegyada Bulshada xilli walbo oo saraakiil shisheeya ah kasoo dagayaan garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdsho Somalia.