Kumanaan katirsan maleeshiyaadka loo yaqaan Liyuu booliska ee taabacsan xabashida Itoobiya ayaa lagusoo warramayaa in ay xasuuq daran ka geysteen gobollada Muslimiintu deganyihiin ee duleedka Addis Ababa.
Saraakiil katirsan kooxaha mucaaradka qowmiyadda muslimiinta Oromada ayaa sheegay in melleteriga Itoobiya uu gobolka soo geliyay boqolaal askari oo katirsan kooxaha calooshood u shaqeystayaasha ee kasoo jeedo dhulka Somaligalbeed.
Ugu yaraan 150 qof ayaa la sheegay in ay dileen maleeshiyaadka Liyuu Booliska halka ay gubeen 14 tuulo oo dhaca gobolka Orimiya oo ah meesha ugu daran ee uu ka socdo kacdoonka lagu diidanyahay taliska Xabashida.
Mas’uul u hadlay qowmiyadda Oromada ayaa ku eedeeyay Cabdi Muxamed oo Cabdi Ileey ku magac dheer in magaalooyinka Godeey iyo Jigjigo ka daabulay kumanaan Maleeshiyaad ah islamarkaana uu ku xasuuqayo dad maras ah.
Waxaa lasoo wariyay kufsi iyo xasuuq ay geysteen maleeshiyaadka Liyuu booliska ah, kooxaha mucaaradka ayaa sheegay in melleteriga Itoobiya markii ay ku fashilmeen daminta kacdoonka ay bilaabeen in ay u adeegsadaan maleeshiyaadka Soomaalida dabadhilifyada ah oo caan ku ahaa xasuuqa shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.