Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug waxey sheegayaan in magaaladaasi qarax lagula beegsaday xildhibaan ka tirsan maamulka Ashahaado la dirirka Puntland.
Qaraxa waxa uu sigaar ah kaga dhacay dhanka Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo kaasi oo lala beegsaday Xildhibaan Cabdi Qaadir Faarax Bootaan kaasi qaraxa loogu dhajiyay gaarigiisa.
Xildhibaanka waxaa soo gaaray dhaawac culus’waxeyna warar hoose oo la helaya sheegayaan in Cabdi Qaadir Faarax Bootaan ka go’ay labada Lug islamarkaana ay adagtay in xaaladiisa caafimaad wax laga qabto.
Qaraxan lagu dhaawacay xildhibaanka ka tirsan maamulka dowlada Itoobiya u adeega ee Puntland waxa uu imaanayaa xilli sidoo kale qarax ka dhacay degmada Luuq lagu dhaawacay gudoomiyaha dowlada Ridada federaalka ugu magacaaban degmada Luuq kaasi oo sidoo kale qaraxa gaarigiisa loogu dhajiyay.
Calamada.com