Wararka ka imaanaya degmada Garoowe ee xarunta gobalka Nugaal waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay gadood ay sameeyeen maleeshiyaatka maamulka Gaala raaca Puntland ee ku sugan degmadaasi.
Maleeshiyaatka gaadoodsan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa la wareegay saldhiga Konfureed ee magaalada Garoowe’iyagoona hakad galiyay isku socodka dadka iyo gaadiidka ee qeybo ka mid ah degmada Garoowe oo xarun u ah maamulka Puntland.
Maleeshiyaatka gadoodsan ayaa ka cabanayo mushaar la’aan baahsan oo muddo bilo ah heysata’waxeyna saraakiisha Puntland dhowr jeer ku eedeeyeen Cabdi Wali Gaas madaxweynaha maamulka Puntland inuu dhunsaday mushaaraatkii loogu tala galay maleeshiyaatka maamulkaasi.
Degmooyinka Garoowe’Boosaaso iyo Gaalkacyo waxaa dhowr jeer ka dhacay gadood ay sameeyeen maleeshiyaatka maamulka Puntland kuwaasi oo xoog kula wareegay xarumo maamulka u adeega dowlada Xabashida Itoobiya ee Puntland uu ku leeyahay degmooyinkaasi.
Calamada.com