Wararka ka imaanaya gobalka Shabeelada dhexe waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Kufaarta Burundi dilal iyo qafaal ay ka geysteen deegaan hoostaga degmada Mahadaay ee gobalkaasi.
Inta la xaqiijiyay ciidamada Kufaarta Burundi waxey Labo ruux oo shacab ah ku dileen deegaanka Jahweyn ee hoostaga degmada Mahadaay’waxey sidoo kale deegaankaasi ka qafaasheen hal ruux oo ka mid ahaa Xoola dhaqatada ku nool deegaankaasi oo qiyaastii 8-km dhanka Bari kaga beegan degmada Mahadaay.
Kolanyada gaalada Burundi ee dilka iyo qafaalka kula dhaqaaqay dadka shacabka ayaa kasoo baxay deegaanka Ceel-baraf kuwaasi oo kusii jeeday dhanka degmada Mahadaay oo ka mid ah goobaha shisheeyaha kaga suganyihiin gobalka Shabeelada dhexe.
Ciidamada Shisheeyaha ee kusoo duulay dalka Soomaaliya ayaa shaqo maalmeed ka dhigtay in dilal’dhac’kufsi iyo xarig kula dhaqaaqaan dadka shacabka ee ku nool goobaha shisheeyaha kaga suganyihiin dalka Soomaaliya.
Calamada.com