War kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka qaarada Afrika ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaan (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ku sugan ay wajahayaan xaalad adag.
Taliyaha ciidanka Mareykanka ee qaaradda Afrika oo khudbad ka horjeedinayay golaha odayaasha Mareykanka ayaa sheegay in xaaladda Soomaaliya ay tahay mid xun marka loo eego dagaalka lagula jiro xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Jeneraal Thomas D. Waldhauser oo madax ka ah ciidamada Mareykanka ee saldhigga ku leh wadanka Jabuuti ayaa golaha odayaasha ugu sheegay magaalada Washington ee dabayaaqada sanadda 2018 ay ciidamada soo duulayaasha  AMISOM bilaabayaan in ay isaga baxaan dalka Soomaaliya.
AFRICOM waxay muujisay walaac ah in bixitaanka AMISOM kadib ay Xarakada Al Shabaab dib uqabsato magaalooyin waaweyn iyo dhul baaxad leh oo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.
“Ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ku jooga magaca AMISOM sanadda 2018 waxay bilaabayaan in ay isaga baxaan dalka haddii aan la helin awood maxalli ah oo  bedesha, dhul ballaaran wuxuu khatar ugu jiraa in uu dib ugu dhaco gacanta xarakada Al Shabaab†ayuu yiri Jeneraal Thomas D. Waldhauser.
Taliska ciidamada Mareykanka qaaradda Afrika ayaa shaaciyay in ciidamada shisheeyaha AMISOM ay ku fashilmeen muhiimaddii ay reer galbeedku u igmadeen oo aheyd in ay baabi’iyaan awoodda jihaadiga ah ayna wadanka ku faafiyaan waxa loogu yeero dimuquraadiyadda.
“Kadib toban sanadood oo ay Soomaaliya joogeen dowladaha ciidamada ku taageeray midowga Afrika hadda waxay noqdeen kuwa baba’ah†ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay taliyaha ciidanka Mareykanka ee qaaradda Afrika.
Shan sanadood ka hor Mareykanka iyo calooshood u shaqeystayaasha Afrikaanta ah waxay ku mashquulsanaayeen diyaarinta olole melleteri oo lagu burburiyo wilaayaatka islaamiga ah ee sharciga islaamka dadka ku maamulo balse hadda waxay waqtigooda ugu badan ku luminayaan sidii iyagoo bad qaba ay dalka uga carari lahaayeen oo baqdin ka qaba in shareecada Islaamka Soomaaliya isku fidiso.
Warkan ka yimid AFRICOM wuxuu imaanayaa maalin kadib markii taliska ciidanka AMISOM uu ku dhawaaqay in uu ku fashilmay duullaanka Soomaaliya islamarkaana ay isaga bixi doonaan dalka.