Wararka ka imaanaya caasimadda dalka Itoobiya ee Addis-ababa ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay inka badan 47 ruux ay ku dhinteen deegaan hoostaga magaaladaasi.
Deegaankan oo lagu magacaaba Koshe Garbage waxa uu dhacaa duleedka magaalada Addis-ababa waana deegaan caan ku ah in lagu guro qashinka laga soo qaada xaafadaha kala duwan ee caasimada dalka Itoobiya.
Dadkan gaaraya 47-da ruux ayaa dhintay kadib markii ay kusoo duntay Buur qashin ah oo ay ku hoos noolaayeen’waxaa sidoo kale goobaha caafimaadka loola cararay inka badan 37 ruux oo xaalad adag ay soo wajahday.
Dadka ku dhaqan deegaanka Koshe Garbage ee duleedka Addis-ababa ayaa ah dad faqiir ah oo aanan aboodin iney guryo ka dhistaan ama ka kireystaan magaalooyinka kale ee dalka Itoobiya’waxeyna Fiiqrnimadaasi ugu dambeyntii ku qasabtay iney hooy ka dhigtaan Qashinka buuraha isku badalay ee deegaanka Koshe Garbage.
Calamada.com