Qaraxan oo ah mid culus oo dhawaaqiisa si aad ah looga maqlay xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho waxa uu ka dhacay agagaarka hoteel Wehliye ee magaalada Muqdisho.
Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday saraakiil iyo askar ka tirsan u badan kuwa nabadsugida dowlada federaalka kuwaasi oo ku shaahayay Cafateria ah oo kasoo horjeeda hoteel Wehliye ee wadada Maka Al-mukaramah.
Warar hordhac ah oo la helayo ayaa sheegaya in qaraxa uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay saraakiil iyo maleeshiyaat ka tirsan dowlada Ridada federaalka kuwaasi oo gaadiid goobta looga daabulay.
Sidoo kale waxaa burburay tiro gaadiid ah oo ay lahaayeen saraakiil ciidan oo ka tirsan dowlada federaalka’sidoo kale waxaa burburay qeybo ka mid ah dhismaha hoteel Wehliye.
Ilo wareedyo hoose ayaa xaqiijiyay in xubnaha qaraxaasi ku dhintay uu ka mid yahay sarkaal lagu magacaabi jiray Muxamed Ciise Deydar oo ah sarkaal gaashaanlle dhexe qeybta Milatariga dowlada federaalka.
Lasoco Waxii Soo Kordha.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somalia.