Qarax aad u xoogan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa barqanimadii maanta ka dhacay agagaarka Hotelka Weheliye ee magaalada Muqdisho kaas oo lala eegtay meel isku imaatin ah oo inta badan ay fariistaan Saraakiisha iyo mas’uuliyiinta kooxda ridada Soomaaliya.
Ku dhawaad 20 ruux oo isugu jira Mas’uuliyiin, Saraakiil Ashahaada la dirir ah iyo xubno ka tirsan murtadiinta ayaa lagu dilay qaraxa, Iyadoona tiro kale ay halkaas ku dhaawacmeen.
Saraakiil ka tirsan Mujaahidiinta ayaa Idaacadda Islaamiga Andalus u xaqiijiyey in hadafka uu ahaa meel isku imaatin ah oo ku taalla ka soo horjeedka Hotelka Weheliye halkaas oo ay isugu yimaadaan Saraakiisha iyo shaqaalaha kooxda ridada Soomaaliya.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dadka dhintay ay ku jiraan saraakiil ka tirsan murtadiinta oo fadhiyey goobta xilligii uu qaraxu dhacayey, Waxaana suuragal ah in qasaaraha uu intaas ka sii bato.
Magaalada Muqdisho ayaa 30-kii maalmood ee la soo dhaafay martigelisay silsilado qaraxyo ah iyo dilal qorsheysan kuwaas oo lagu dilay tobaneeyo ka mid ah murtadiinta oo u badnaa saraakiisha Ashahaada la dirirka.
Xigasho Telegramka Radioandalus.
Calamada.com