Wararka laga helayo dalka Afghanistan waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay Guutada Madaafiicda Imaarada Islaamiga Afghanistan tiro madaafiic ah ku garaaceen saldhiga ugu weyn ee dalka Afghanistan ay ka sameysteen ciidamada Nasaarada Mareykanka ee duulaanka ku jooga dalkaasi.
Guutada jugta culus ee Imaarada Islaamiga ayaa dhowr gantaal ku dhuftay saldha Bagram ee gobalka Kaabul oo ah saldhiga ugu weyn ciidamada Mareykanka ee dalka Afghanistan kaasi oo ku yaala gobalka Kaabul.
Webka Imaarada Islaamiga ah ee Afghanistan ayaa baahiyay in tiro madaafiic ah ay gudaha u galeen saldhiga taasi oo sababtay khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed oo Nasaarada Mareykanka kasoo gaartay duqeyntaasi.
Dhanka kale dagaal culus oo ka dhacay degmada Sayid-abaad ee gobalka Meydan Work waxaa maamulka daba dhilifka fadhigiisu yahay Kaabul looga gubay gaari gaashaaman afar askarine waa looga dilay dagaalkaasi.
Calamada.com