Wararka ka imaanaya gobalka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya waxey sheegayaan in saacadihi lasoo dhaafay maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka si bareer ah qof shacab ah ugu dileen qeybo ka mid ah gobalkaasi.
Maleeshiyaatka dowlada federaalka waxey qof shacab ah oo darawal ka ahaa Moota Bajaaj ku dileen degmada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.
Ninkan darawalka ah oo si aad ah looga yaqaanay degmada Beledweyne waxey maleeshiyaatka Murtadiinta ku dileen agagaarka Buundo weyn ee degmadaasi.
Dilkan waxaa si aad ah uga carooday shacabka ku dhaqan degmada Beledweyne’iyadoona dilkan qeyb ka noqonaya dhibaatooyinka maleeshiyaatka dowlada federaalka iyo kuwa Kufaarta Afrikaanta ay ku hayaan dadka shacabka.
Calamada.com