Habeenkii xalay waxaa gudaha degmada Baydhabo xarunta gobalka Baay ee Konfur Galbeed dalka Soomaaliya ka dhacay weerar lala beegsaday maleeshiyaat ka tirsan dowlada Ridada federaalka.
Weerarka oo loo adeegsaday Bamka nooca gacanta laga tuura waxaa lala beegsaday maleeshiyaat goob ku qayilayay’dhawaaqa qaraxa Bamka waxaa si aad ah looga maqlay xaafado ka tirsan degmada Baydhabo.
Si rasmi ah looma xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay weerarkaasi Bamka ah ee ka dhacay magaalada Baydhabo maadaama weerarka uu dhacay xilli habeen ah.
Habeen hore ayeey aheed markii ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin weerar culus ku qaadeen difaacyada ciidamada Nasaarada Kenya ay ka sameysteen degmada Baardheere ee gobalka Gedo.
Calamada.com