Mas’uul sare oo katirsanaa maamulka isku magacaabay ‘Jubbaland’ ayaa shaqadii uu hayay isaga tagay kadib markii uu la kulmay cadaadis amni iyo mid dhaqaale.
Xasan Macalim Aadan oo ahaa guddoomiyihii maxkamadda degmada Kismaayo ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu u hayay maamulka Axmed Madoobe.
Isagoo warbaahinta kula hadlayay magaalada Kismaayo ayuu sheegay in laba arrimood dartood uu isku casilay “Xilkii aan u haayay maamulka Jubbaland waan iska casilay kadib markii xaalad amni darro aan dareemay sidoo kale iscasilaadeyda waxaa qeyb ka ah muddo bila ah oo aanan mushara ka helin maamulka†ayuu yiri Guddoomiyihii Maxkamadda Kismaayo.
Mas’uulkan iscasilay oo ay isku dhawaayeen Axmed Madoobe ayaa la sheegay in ay ka kala dareereen ciidamadii ilaalada u ahaa taasi oo sababtay in ay baqdin soo wajahdo.
Inta badan saraakiisha maamulka ‘Jubbaland’ ee Kenya taabacsan ayaan wax mushaar ah qaadan lixdii bilood ee lasoo dhaafay arrinkaasi oo habacsanaan geliyay shaqadii maamulka.
Axmed Madoobe ayaa horay u sheegay in dhaqaala xumo middii ugu darned uu maamulkiisu wajahayo isagoo hay’adaha Q.Midoobe ku eedeeyay in ay uga baxeen balan qaadyadii ay horay usameeyeen.
Xigasho Somalimemo.net
Calamada.com