Wararka ka imaanaya degmada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelada Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay weerar qorsheysan oo loo adeegsaday Bambaanada nooca gacanta laga tuura uu ka dhacay qeybo ka mid ah degmadaasi.
Labo Bam ayaa lagu weeraray labo dhismo oo xaafadda Howlwadaag ee degmada Jowhar ay ka deganyihiin saraakiil ka tirsan dowlada Ridada federaalka.
Dhawaaqa qaraxyadaasi Bam waxaa laga maqlay inta badan xaafadaha degmada Jowhar’iyadoona la xaqiijiyay in labada Bam ay gudaha u galeen labada guri ee ay deganyihiin qaar ka mid ah saraakiisha dowlada Federaalka.
Si rasmi ah looma xaqiijin khasaaraha ka dhashay qaraxyadaasi Bam balse waxey warar hoose sheegayaan in waxyeelo ay soo gaartay qaar ka mid ah ilaalada gaarka ah ee saraakiisha lagu weeraray degmadaasi.
Calamada.com