Gobalka Helmand ee dalka Afghanistan waxaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay weerar kaligii duulnimo ah kaasi oo baqti iyo dhaawac ay ku noqdeen askar American ah oo duulaan ku jooga dalkaasi.
Askari ku labisnaa dareyska Ciidamada Meliteriga ayaa lagu soo warramayaa inuu rasaas uu oodda kaga qaaday Ciidamo Ameerikaan ah oo ku sugnaa Saldhig Ciidan oo kuyaalla Gobolka Helmand, isagoona halkaas ku dhaawacay Seddax Askari, sida ay qirteen Taliska Ciidamada Gaalada Nato, hase yeeshee waxaa suuragal ah in khasaaraha uu intaas ka badan yahay, maadaama Mareykanka looga bartay inay qariyaan khasaraha nafeed ee ay kala kulmaan dalka Afghanistan.
Afhayeen u hadlay Ciidamada Meliteriga ee Maamulka daba dhilifka ah ee dalka Afghanistan ayaa sheegay in Askariga weerarkaas geystay uu isna ku dhintay rasaastii la is weydaarsaday, isagoona tilmaamay in falkaasi uu ka dhacay Saldhigga lagu magacaabo Kaamb Shawaarib ee Gobolka Helmand ee Koonfurta dalka Afghanistan.
“Askariga wuxuu ka mid ahaa Ciidamada khaaska ah, Seddaxdii galabnimo ee wakhtiga Maxalliga ah ayuu rasaas ku furay koox Ciidamo Mareykan ah oo ku sugnaa Saldhig ay leeyihiin Ciidamada Cirka oo kuyaalla Gobolka Helmand, isagiina goobta ayaa lagu dilay†sidaas waxaa yiri Afhayeenka Ciidamada Meliteriga ee dalka Afghanistan Gaashaanlle Maxamed Raasuul Zaari.
Wararkii ugu dambeeyay ee weerarkaasi ayaa xaqiijiyay in halkaasi lagu dilay labo askari oo ka tirsan ciidamada Nasaarada Mareykanka sidoo kale weerarka waxaa ku dhaawacmay saddex askari oo American ah.
Weerarrada kaligii duulnimada ah ee ay fulinayaan Askarta ka tirsan Ciidamada dalka Afghanistan ayaa soo badanayay sanadihii lasoo dhaafay, iyadoo weerarradaasi ay galaafteen nolasha tobonaan ka tirsan Ciidamada Gaalada Nato ee ku duulay dalka Afghan