Saacadihii lasoo dhaafay waxaa gudaha magaalada Muqdisho ka dhacay dilal iyo qaraxyo qorsheysan kuwaasi oo lala beegsaday xubno ka tirsan dowlada Ridada federaalka.
Qaraxa oo loo adeegsaday Bamka nooca gacanta laga tuura waxaa lagu weeraray dhismaha xaruntii hore ee Maxkamadda Suuqa Bakaaraha taasi oo hadda fariisin u ah maleeshiyaatka nabadsugidda dowlada federaalka.
Dhawaaqa qaraxa waxaa si aad ah looga maqlay xaafado badan oo ka tirsan degmooyinka Hodan, Howlwadaag iyo qeybo ka mid ah degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.
Warar hoose ayaa sheegaya in qaraxa Bam uu sababay dhaawaca tiro askar ah oo ka tirsan maleeshiyaatka Ashahaado la dirirka dowlada federaalka.
Dhanka kale rag hubeysan waxey agagaarka isgoyska Afar Darjiin ee degmada Yaashqiid ku dileen mid ka mid ah odayaashii soo dhisay xildhibaanada cusub ee baarlamaanka dowlada federaalka.
Habeenkii xalay ayeey aheed markii ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin dagaal culus ku qaadeen dhismaha Wazaaraddii hore Gaashaandhiga magaalda Muqdisho oo xarun weyn u ah maleeshiyaatka dowlada Ridada federaalka.
Calamada.com