Wararka ka imaanaya degmada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelada dhexe ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay kolanyo ka tirsan ciidamada Kufaarta Burundi qarax culus lagula beegsaday duleedka degmadaasi.
Qaraxa oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago ayaa lala beegsaday kolanyo shisheeyaha ka tirsan oo sigaar ah ugu socdaalayay wadada isku xirta deegaanka Buurane iyo garoonka diyaaradaha degmada Jowhar.
Dadka deegaanka waxey xaqiijiyeen in miinada ay haleeshay gaari Taw ah kaasi oo gabi ahaan goobta ku burburay’waxaa sidoo kale qaraxa baqti iyo dhaawac ku noqday tir askar Burundeys ah.
Ciidamada Shisheeyaha ayaa inta badan dhanka ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin kala kulma weeraro isugu jira qaraxyo iyo kamiino xilli walbo ay isku dayaan iney isaga kala gooshaan goobaha ay kaga suganyihiin Konfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya.
Calamada.com