Jabhada dagaalka mujaahidiinta wilaayada islaamiga Jubbooyinka ayaa xalay howlgallo kala duwan ku qaaday fariisimo maleeshiyaadka murtadiinta iyo ciidamada gaalada Kenya ay kuleeyihiin deegaano kamid ah gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalka koowaad ciidamada mujaahidiinta waxa ay ka fuliyeen fariisin maleeshiyaadka maamulka Axmed Madoobe ay kuleeyihiin inta udhaxeysa deegaanka Goobweyn iyo xerada Akadeemiyada ee kudhow dhismaha jaamacada ee duleedka magaalada Kismaayo.
Sida ay noosheegeen saraakiisha ciidamada mujaahidiinta ujeedka weerarkan ayaa ahaa in cagta la mariyo taliska dhawaan murtadiinta ay kasameysteen xerada Akadeemiyada si ay uga waardiyeeyaan dhismaha Jaamacada oo fariisin ay kuleeyihiin ciidanka gaalada ee duulaanka soo qaaday, sidoo kalana ay dhibaato ugeysteen gaadiidka shacabka ee halkaasi isticmaalaya.
Howlgalka labaad ciidamada mujaahidiinta waxay ku beegsadeen fariisin askarta gaalada Kenya ay kuleeyihiin deegaanka Taabto oo kamid ah dhulka uu cadowga gumeysiga nooga heysto.
Ciidanka mujaahidiinta ayaa si gaadmo ah u weeraray askarta calooshood ushaqeyste yaasha ah ee kenya xili ay qoraxda sii dhaceysay, waxaana lasoo sheegayaa in qasaare kala duwan cadowga dagaalkaasi lagu gaarsiiyay.
Xigasho Radioandalus24.com
Calamada.com