Saacadihii lasoo dhaafay waxey rag hubeysan ku dileen qeybo ka mid ah degmada Waabari ee magaaladan Muqdisho sakaal sare oo ka tirsanaay dowlada Ridada federaalka.
Sarkaalkan lagu dilay degmada Waabari waxa uu ka tirsanaay wazaaradda Waxbarashada dowlada federaalka’waxeyna ragga hubeysan sarkaalkan ka toogteen qeybaha sare ee jirka taasi oo sababtay in isla goobta ku geeriyooda.
Mustaf Shiino oo ah sarkaalka lagu dilay degmada Waabari waxa uu ka tirsanaay mas’uuliyiinta Wazaaradda Waxbarashada dowlada Ridada federaalka’goobta lagu dilay waxaa soo gaaray oo meydkiisa qaaday maleeshiyaatka dowlada ee ka howlgala gudaha degmada Waabari.
Mas’uuliyadda Dilka sarkaalkan waxaa sheegtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waana sarkaalkii labaad oo ka tirsan dowlada federaalka oo saacado gudahood ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ku dilaan gudaha magaalada Muqdisho.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somalia.