Wararka ka imaanaya dalka Yemen waxey sheegayaan in weerar xoogan lagu qaaday xero ciidan oo ku taala qeybo ka mid ah gobalka Laxaj ee dalkaasi.
Weerarka oo isugu jira Istish-haadi iyo Ingimaasi ah waxaa lagu qaaday xarun ciidamada Amniga maamulka daba dhilifka dalka Yemen ay ku leeyihiin magaalada Xuudhah oo ah xarunta gobalka Laxaj.
Wararkii ugu dambeeyay ee weerarkaasi ayaa sheegaya in tobaneeya ka tirsan maleeshiyaatka dowlada Ridada Yemen lagu dilay sidoo kale tiro intaasi ka badan oo isla askarta dowlada Yemen ah ayaa ku dhaawacmay weerarkaasi.
Mas’uuliyadda weerarkaan waxaa sheegtay Mujaahidiinta Al-qaacidah ee dhulka Jaziiratul Carab’iyagoona wacad ku maray iney sii kordhinayaan weerarada ka dhanka ah dowlada Yemen’dowladaha isbaheysiga iyo maleeshiyaatka Xuuthiyiinta ee ku duulay dalka Yemen.
Calamada.com