Weerar qarax Bam ah ayaa lala beegsaday tiro askar ah oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada kuwaasi oo ku sugnaay qeybo ka mid ah suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa Ganacsi ee ugu weyn dalka Soomaaliya.
Inta la xaqiijiyay qaraxa Bam waxaa ku dhintay labo askari oo ka tirsan dowlada Ridada’iyadoona dhawaaqa qaraxa Bam laga maqlay qeybo badan oo ka mid ah Suuqa Bakaaraha.
Sidoo kale Bam gacmeed ayaa lagu weeraray maleeshiyaat Murtadiin ah oo ku sugnaay agagaarka isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho lamana xaqiijin khasaaraha maleeshiyaatka kasoo gaartay qaraxaasi.
Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey weeraro ka dhan ah dowlada Ridada iyo kuwa Kufaarta ka fuliyaan gudaha magaalada Muqdisho.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somalia.