Iyadoo barqo nimadii maanta si buuxda ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ula wareegeen gacan ku heynta magaalada Ceelbuur ayaa gudaha magaaladaasi waxey Shabaabul Mujaahidiin ka taageen Raayada Towxiidka.
Magaalada Ceelbuur waxaa muddo saddex sano ah duulaan ku joogay ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya kuwaasi oo gabi ahaan saaka isaga cararay magaaladaasi oo ah magaalo istiraatiiji ah oo ka tirsan gobalka Galgaduud.
Magaalada waxaa durba gaaray qaar ka mid ah shacabkii saddex sano ka hor isaga cararay degmada Ceelbuur kuwaasi oo mudadii Xabashida Itoobiya ku sugneed degmada ku noolaay deegaano dhaca duleedka degmadaasi.
Sidoo kale waxaa degmada Ceelbuur gaaray mas’uuliyiin ka tirsan Wilaayada Islaamiga ah ee Galgaduud waxaana suura gal ah in goob fagaara ah ay kala hadlaan shacabka booqashada ku gaaraya degmadaasi.
Xabashida Itoobiya ayaa inta aysan saaka ka bixin degmada Ceelbuur waxey burbur xoogan gaarsiiyeen xarumihii isgaarsiinta degmada Ceelbuur taasi oo sabab u noqotay in magaalada isgaar siin la’aan soo wajahdo.
Waa Sawir Hore Oo Laga Qaaday Ceelbuur Saddex Sano Ka Hor.
Calamada.com
Ceelbuur xorow doo cizigeedi soo noqoy
Cadaw gii nasaaradu cagta saar wadada oo
Cirkuna waa da’aayaa naqna coodku noo daaq
Caziizow Ilaahow cabashaan ka wada nahay caam ahaanba gaalada cartiiqahana laga dhigo
….. alxamdu lillaah, alxamdu lillaah, illaah cadaw gale naguma soo celsho……..