Iyadoo maanta ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta magaalada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud kadib markii magaalada ay isaga carareen ciidamadii Kufaarta Xabashida Itoobita ee muddo saddex sano ah duulaan ku joogay degmada waxaa arintaasi si rasmi ah kaga hadlay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.
Idaacada Diiniga ah ee Al-furqaan ayaa baahisay wareysi gaar ah oo ay la yeelatay Waaliga Wilaayada Islaamiga ah ee Galgaduud Sheekh Xasan Yacquub Cali wareysigaasi oo waaliga uu kaga hadlay la wareegidda Mujaahidiinta ay la wareegeen gacan ku heynta magaaalda Ceelbuur.
Waaliga ayaa xusay in si aad ah u burburtay magaalada Ceelbuur maadaama ay aheed magaalo muddo saddex sano ah duulaan ku joogeen Xabashida Itoobiya dagaalo culusna ay ka dhaceen’balse waxa uu carabaabay in dib u dhis weyn lagu sameyndoono magaalada Ceelbuur.
Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Waaliga Galgaduud.
Calamada.com