Tan iyo markii maalintii shalay ciidamada Xarakada Shababul Mujaahidiin si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta magaalada Ceelbuur oo dhacda Bartamaha dalka Soomaaliya gaar ahaan gobalka Galgaduud waxaa iska soo daba dhacay bogaadinta ku aadan munaasabaddaasi.
Bulshada ku dhaqan gobalada Jubbooyinka oo la hadlay Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa si aad ah usoo dhaweeyay la wareegidda Mujaahidiinta ay la wareegeen gacan ku heynta magaalada Ceelbuur oo muddo saddex sano ah duulaan ku joogeen ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya.
Bulshada Jubbooyinka ayaa sidoo kale hambalyo u diray shacabka ku dhaqan gobalka Galgaduud’waxeyna ku tilmaameen bulshada reer Ceelbuur bulsho ku dayasho mudan.
Halkan Ka Dhageyso Bulshada Jubbooyinka.
Calamada.com