Saacadihii lasoo dhaafay waxey Roobab dadka iyo duunyada ku diirsadeen ka da’een degmooyin iyo deegaano ka tirsan qaar ka mid ah gobalada dhaca Konfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.
Gobalada Roobabka ay ka da’een waxaa ka mid ah Galgaduud’Hiiraan iyo Gobalka Baay oo intaba ka mid ah gobalada dhaca Bartamaha iyo Konfurta dalka Soomaaliya.
Maalin kadib markii ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya isaga careen magaalada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud waxaa magaaladaasi ka da’ay Roob lagu qabowsaday’sidoo kale roobka waxa uu ka da’ay deegaano badan oo hoostaga degmooyinka Ceelbur’Galhareeri iyo Ceeldheer oo ka wada tirsan gobalka Galgaduud.
Gobalka Hiiraan waxey roobab lagu diirsaday ka da’een deegeeno hoostaga degmada Jalalaqsi’sida deegaanada Show’Qobyaxaas’waxey sidoo kale roobab lagu diirsaday ka da’een deegaano hoostaga degmada Buq’aqable ee gobalka Hiiraan.
Gobalka Baay Roob lagu qabowsaday waxa uu ka da’ay degmada Buulo fulaay iyo deegano badan oo hoostaga degmadaasi’iyadoona todobaadyadii lasoo dhaafay Roobab lagu diirsaday ay ka da’een degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobalada Baay iyo Bakool.
Calamada.com