Ciidamada Kufaarta Afrikaanta ayaa markale fal naxdin leh ka geystay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho falkaasi oo si aad ah looga hadal hayo xaafadaha magaalada Muqdisho.
Gaadiidka Shisheeyaha ayaa agagaarka Isgoyska Sanca ee degmada Kaaraan ku jiiray wiil 18 jir ah kaasi oo xilligaasi ku howlanaay cillad bixinta gaari uu Kirishbooy ka ahaa’iyadoona falkaan ay si aad ah uga caroodeen dadka shacabka.
Wiilkan dhalinyarada ah ee sida ku tala galka ah u jiireen gaadiidka Kufaarta AMISOM waxaa soo gaaray dhaawac culus kaasi oo daqiiqado kadib uu u geeriyooday.
Gaadiidka Kufaarta Afrikaanta ayaa dhowr jeer gudaha iyo duleedka magaalada Muqdisho si ula kac ah ugu jiiray dad shacab ah kuwaasi oo ay goobta kaga dhaqaaqeen.
Dowlada Farmaajo ayaa indhaha oo kaliya ka eeganeyso falalka naxdinta leh ee ciidamada Shisheeyaha kula dhaqaaqayaan dadka shacabka ee Muqdisho sida Kufsiga haweenka iyo jiiritaanka gaadiidka gaashaaman oo ay waddooyinka Muqdisho si ula kac ah ugu jiirsiiyaan dadka shacabka.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somalia.