Qeybo ka mid ah degmada Xamarweyne ee gobalka Banaadir waxaa qarax culus lagula beegsaday sarkaal sare oo ka tirsanaay dowlada Ridada gaar ahaan Wazaaradda Waxbarashada.
Sarkaalkan qaraxa lala beegsaday ayaa lagu magacaabaa Cabdi Qaadir Cusmaan oo ku magacdheeraa Dr Yare kaasi oo la xaqiijiyay in qarax loogu xiray gaarigiisa.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa xaqiijinaya in sarkaalkan dhaawac culus uu soo gaaray kaasi oo ka go’ay labada lugood waxeyna hoose sheegayaan in sarkaalkan oo loola cararay goob caafimaad uu u geeriyooday dhaawaca culus ee kasoo gaaray qaraxaasi.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somalia.