Wararka ka imaanaya magaalada Kaabul ee xarunta dalka Afghanistan waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay weerar qosheysan oo lagu dilay sarkaal sare uu ka dhacay gudaha magaaladaasi.
Weerarkan oo ay fuliyeen ciidamada gaarka Imaarada Islamiga Afghanistan waxaa lala beegsaday Korneel Suldaan Muxamed oo ka mid ahaa saraakiisha ciidan ee maamulka daba dhilifka fadhigiisu yahay magaalada Kaabul.
Webseydka Imaarada Islaamiga ah ee Afghanistan ayaa baahiyay in ciidamada Mujaahidiinta sarkaalka ay ka toogteen qeybaha sare ee jirka taasi oo sababtay in Korneelka isla goobta ku geeriyooda.
Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli saacadihii lasoo dhaafay weerar qorsheysan oo ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga ay ka fuliyeen gudaha magaalada Kaabul sidoo kale ay ku dileen Labo sarkaal oo ka tirsanaay Nabadsugidda maamulka daba dhilifka dalka Afghanistan saraakiishaasi oo laga furtay Biskoolada ay ku hubeysnaayeen.
Calamada.com