Toban Maalmood ka hor waxaa magaalada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud isaga cararay ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya kuwaasi Saddex sano oo xiriir ah duulaan ku joogay magaaladaasi.
Bulshada magaalada Ceelbuur oo xilligii Xabashida Itoobiya duulaanka kusoo gashay magaaladaasi gabi ahaan isaga Hijrooday Ceelbuur kuna noolaay deegaanada hoostaga degmada ayaa bilaabay iney imika dib ugu laabtaan Magaalada Ceelbuur.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay wareysi ay la yeelatay qaar ka mid ah qoysaska iyo bulshada dib ugu soo laabtay magaalada’iyadoona imika ay dib usoo laabteen adeegyadii bulshada ee caanka ay ku aheed magaalada Ceelbuur.
Gudiga Gurmadka Abaaraha Wilaayada Islaamiga ah ee Galgaduud ayaa maalintii shalay gudaha magaalada Ceelbuur ka qeybiyay Raashin kaasi oo la siiyay qoysaska dib ugu soo laabtay magaalada.
Halkan Ka Dhageyso Bulshada Magaalada Ceelbuur.
Calamada.com
Masha allaah allaahu akbar
mansha allah ilaahey cadawgisa ha ino jabiyp