Rag hubeysan waxey qeybo ka mid ah xaafada Labo Dhagax ee degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho ku dileen mid ka mid ah odayaashii soo xulay xildhibaanada cusub ee dowlada Ridada ee Farmaajo.
Odayga la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Shire Don-gaare oo ka mid ah odayaashii soo xulay xildhibaanada baarlamaanka gaar ahaan kuwa lagu soo dhisay degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud.
Dilkan waxa uu qeyb ka noqonayaa ugaarsiga xoogan ee lagu hayo Ergooyinka soo xulay golaha Dhawaaqiida dowlada Federaalka’iyadoona ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin gudaha iyo duleedka magaalada Muqdisho ay ku dileen Labaatanmeeyo ka mid ah Odayaasha soo xulay Xildhibaanada.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somalia.