Wararka ka imaanaya bartamaha Soomaaliya gaar ahaan gobalka Hiiraan waxey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay qarax culus lala beegsaday kolanyo Itoobiyaan ah.
Qaraxa waxa uu sigaar ah kaga dhacay agagaarka deegaanka Garasyaani oo ka mid ah deegaanada dhaca wadada isku xirta degmada Beledweyne iyo deegaanka Halgan oo ka wada tirsan gobalka Hiiraan.
Qaraxa oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso waxaa dhawaaqeeda si aad ah looga maqlay deegaano badan oo dhaca duleedka degmada Beledweyne.
Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in qaraxa kadib la arkay uuro iyo holac taasi oo muujineysa iney miinada haleeshay oo ay gubtay mid ka mid gaadiidka ay wataan kolanyada Xabashida Itoobiya.
Ciidamada Xabashida Amxaarada ah ayaa qaraxa kadib si ba’an u duqeeyay howdka dhaca inta u dhaxeysa Halgan iyo Beledweyne waxeyna taasi daleel u tahay in Xabashidu khasaara culus lagu gaarsiiyay qaraxaasi.
Diyaarad Elecobtar ah ayaa soo caga dhigatay deegaanka taasi oo goobta ka qaaday baqtiyda iyo dhaawacyada tiro askar Itoobiyaan ah.
Kolanyadan qaraxa lala beegsaday ayaa muddo Siddeed Maalmood ah ku socdaalaya wadada isku xirta Beledweyne iyo Halgan’iyadoona deegaanka Halgan iyo degmada Beledweyne ay isku jiraan wax ka yar (80) Siddeetan -KM.
Calamada.com