War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayay ku sheegtay in ay fashilisay duullaan ay ciidamo Mareykan ah ku qaadeen deegaan dhaca duleedka degmada Afgooye.
Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab Afhayeenka ciidanka Shabaabul Mujahidiin ayaa goordow warbaahinta u sheegay in weerar xalay ka dhacay deegaanka Daarusalaam ay ku dileen ciidamo gaallo ah oo ka tirsan Mareykanka islamarkaana ay qabsadeen hub iyo agabyo kale oo ay ka carareen ciidamada Mareykanka.
Al Shabaab waxay xaqiijisay in khasaara lixaad leh dhaxalsiisay soo duulayaasha Mareykanka oo xalay saqdii dhexe iyagoo diyaarado casri ah wata ku degay deegaanka Daarusalaam waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus.
Sheekh Abuu Muscab ayaa carrabka ku adkeeyay in Mareykanku uusan gaarin ujeedkii uu kalahaa duullaanka islamarkaanka ciidamada cadowga ay dib ugu laabteen halkii ay kasoo duuleen iyagoo guul darraystay oo dhimasho iyo dhaawac wata.
“Ciidamo Maraykan ah ayaa xalay weerar fashlmay kusoo qaaday Magaalada Daaru-Salaam ee Shabeellada Hoose, diyaarado ayay ku yimaadeen kadibna dhulka ayay usoo degeen, Mujaahidiinta ayaa dharbaaxo adag ku dhiftay waana la jebiyay†ayuu yiri Sheekh Abu Muscab.
Afhayeenka ciidanka Al Shabaab oo la hadlayay idaacadda Andalus ayaa isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri , ” Mujaahidiintu way la socdeen duullaanka cadawga, wayna u diyaargaroobeen, tiro ka tirsan cadawga ayaa halkaas ku dhimatay qaar kalena waa laga dhaawacay, hub iyo saanad ciidana waan ka qabsanay†.
Dhinaca kale dowladda Mareykanka Mareykanka ayaa sheegtay in Hal askari looga dilay weerarkii Daarusalaam islamarkaana 2 kale looga dhaawacay.
Calamada.com
Allahu akbar walillahilxamdu gulallahsiyo walalahamujahidint cadowgana allahajabiyo