Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor’imaad xoogan oo saacadihii lasoo dhaafay maleeshiyaat ka wada tirsan dowlada Ridada federaalka ku dhexmaray deegaan ka tirsan gobalka Shabeelada dhexe.
Iska hor’imaadka waxa uu sigaar ah kaga dhacay deegaanka Bishaqle oo ka mid ah deegaanada dhaca duleedka degmada Raaga-ceelle gaar ahaan dhanka xeebta.
Iska hor’imaadka waxa uu yimid kadib markii saraakiisha maleeshiyaatka dowlada ku murmeen qeybsiga lacago baad ah oo kaga soo xarootay isbaaro u taala deegaankaasi.
Inta la xaqiijiyay iska hor’imaadkaasi waxey maleeshiyaatka dowlada isaga dileen Afar askari Saddex kalane weey iska dhaawaceen’iyadoona wali maleeshiyaatka Murtadiinta ay isku hor fadhiyaan deegaanka ay ku dagaalameen.
Inta badan maleeshiyaatka dowlada Farmaajo ayaa shaqo maalmeed ka dhigtay iney dhexdooda dagaalamaan oo ay iska dilaan saraakiil iyo askar.
Calamada.com