Idaacada Diiniga ah Alfurqaan ayaa baahisay wareysi gaar ah oo ay la yeelatay Waaliga Wilaayada Islaamiga ah ee Baay iyo Bakool Sheekh Mucalim Geedo’iyagoona ka wareystay arimo badan oo muhiim ah.
Waaliga ayaa ugu horeyntii wax laga weydiiyay dagaalkii saaka ciidamada Shabaabul Mujaahidiin kula wareegeen deegaanka Goof-gaduud Shabeelow oo ah deegaan dhaca duleedka degmada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.
Sheekh Mucalim Geedow ayaa xusay in kamiin ka dhacay duleedka degmada Baydhabo lagu gubay gaari dagaal saddex kalane waxyeelo lagu gaarsiiyay kuwaasi oo gabi ahaan ah gaadiid uu leeyahay maamulka gaala raaca Shariif Sakiin.
Waaliga gobalada Baay iyo Bakool ayaa intaasi ku daray in dagaalka ka dhacay duleedka degmada Baydhabo sidoo kale Mujaahidiinta ay ku ganiimeysteen Labo gaari oo Cabdi Bile oo ay qoryo saaranyihiin.
Dhanka kale waxa uu waaliga sharaxaad ka bixiyay Roobab si aad ah loogu diirsaday kuwaasi oo maalmihii u dambeeyay si aad ah kaga da’ay degmooyinka iyo deegaanada Wilaayada Baay iyo Bakool.
Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Sheekh Mucalim Geedow.
Calamada.com